Hay’ada Hormuud Salaam Foundatio ayaa matoor dab dhaliye ah oo weyn ugu deeqdey isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir. Matoorkan ayaa loogu talagalay in isbitaalka uu ku shaqeeyo maadaama isbitaalka ay ka jirtay matoor yari waxaana arintan ay timid ka dib codsi ka yimid Maamulka sare ee Isbitaalka Banaadir.
Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta isbitaalka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiru dwolaha wasaarada Caafimaad Soomaaliya , Marwo Maryan Maxamedd Xuseen Madaxa, Hay’ada Hormuud Salaam Foundation iyo maamulka isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa faafahin ka bixiyay Matoorka ay maanta ku wareejiyeen maamulka isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir . Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in aanay aheyn markii ugu horeysey oo aay Isbitaalka caawiyaan, wuxuuna sheegey ineey horey caawimaad badan u fidiyeen maadaama uu yahay Isbitaal u adeega Hooyada iyo dhallaanka, HSF, aay markastaa mudnaanta siiso Hooyada iyo dhallaanka.





From the comments