Dowladda Soomaaliya ayaa guddoonta 1,645,600 xabo oo talaalka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay siiyeen dowladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech.
War saxaafadeed ka soo baxay UNICEF, ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo ka hadlay munaasibadda lagula kala wareegay talaalka uu kaga mahad celiyay dowladaha soo dhiibay.
“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badan” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.




From the comments