Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa ka deyrinaya xaaladda cunto yari ee ka jirta gobolka geeska Afrika, kadib abaaraha dabadheeraaday oo sababay in ay dadku wajahaan gaajo daran, taas oo laga cabsi qabo in ay isku badesho reer macluul, maadaama dadka intooda badan ay dhaafeen wixii ay ku noolaayeen.
Hey’adda cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobey WFP ayaa waxaa ay ka digaysaa xaaladda ay sababtay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka ayaa waxaa ay sheegtay in maalin waliba ay sii kordhayso gaajada daran , maadaama la siisaadaalinayo roobab yaan, waxaana hey’addu dalbatay gargaar deg deg ah.
Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford oo dhwaan booqasho ku yimid Soomaaliya iyo Waqooyiga dalka Kenya ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka jirta Soomaaliya ay sababtay abaarta ba,an, taas oo saameyn ku yeelatay 7 Milion qof, waxaana ay noqonaysaa tii ugu sarneyn 21 sano.




From the comments