Qaramada midoobay ayaa markii ugu horeysay u dirtay markab sida 23,000 tan oo sareen ama qamadi ah, dalka Itoobiya tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.
Markabkaan ayaa ka soo shiraacday dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine, waxaana lagu wadaa in uu ku soo xirto dekedda dalka Jabuti.
Shixnaddaan ayaa ku soo baxday sumadda iyo magaca qaramada midoobay, waxaana loogu talagalay in gurmad loogu fidiyo dadka ay dagaallada iyo abaarta ay saameeyeen ee ku nool Itoobiya.




From the comments