Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dalka Kenya ee la doortay William Samoei Ruto oo maanta ku guuleystay doorashadii ay ka qabsoontay dalkaas, oo guddigu soo gabagabeeyay tirinta codadkii la dhiibtay.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu hambalyo u diray madaxweyne Ruto, isaga oo ballanqaaday in dowladdiisa ay sii xoojin doonto xiriirka labada dal” Hambalyo ayuu diray, waxaa uu balanqaaday inuu kala shaqeyn doono dhiggiisa Ruto adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Twiter-ka.
Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhankiisa hambalyo u diray Ruto ayaa ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo shacabka Kenya ay qaadeen, isaga oo sheegay in si dhow ay ula shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub ee la doortay, William Samoei Ruto oo noqday madaxweynaha 5-aad ee jamhuuriyadda dalka Kenya.




From the comments