Guddiga doorashada dalka Kenya ee IEBC ayaa shaaciyay in la joojiyay doorashada ismaamulada Mombasa iyo Kakamega, ee dalka Kenya.
Dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ka bilaabmay doorashada madaxweynaha iyo tan golayaasha deegaanka ee Kenya, waxaana la joojiyay doorashada labada ismaamula ee Mombasa iyo Kakamega.
IEBC ayaa sidoo kale sheegay inla joojiyay doorashada qaar kamid ah tira kamid ah xildhibaannada oo maanta lagu waday in ay ka dhacdo ismaamulada dalka Kenya.




From the comments