Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Beni-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Ergeyga ayaa u kuur-galay xaaladda xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal oo ku yaalla duleedka magaalada, hakaasoo ay ku nool yihiin reero intooda badan miyaga ka soo hayaamay, kadib markii xoolahoodii abaarta daran ee dalka ka jirta xaalufisay ay ku noolaayeen oo reer guuraa ahaa.
Danyar u badan carruur, haween iyo dad da’ ah oo duruufo ay nafaqa-darro ugu horreyso wajahaya, cudurrana u dheeryihiin, ayaa hoy iyo harsiba ka dhiganaya cooshado baco ka sameysan oo aan qorrax iyo dhaxan toona celi karin.









Goobjoog News

From the comments