Saraakiil sare oo ka kala tirsan dowladda federalka iyo Itoobiya Somaliland ayaa kawada hadlay adkeynta amniga xuduudda Somaliland ay la wadaagto dalkaas, kadib kuland magaalada Hargeysa ku dhexmaray taliyaha ciidanka sindoonka Itoobiya ugu sareeyo Janeraal Buhane Kabede iyo taliyaha guud ciidamada Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani.
Labada dhinac ayaa siweyn uga wada hadlay xoojinta iyo iskaashiga dhanka ammaanka ee sugitaan dhulka xuduuda ee u dhaxeeya dowlad deegaanka Somaalida iyo Somaliland, kadib markii dhowaan Alshabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka kuwada dagaalameen xadka gobollada Koonfureed ay la wadaagaan dowlad deegaanka gaar ahaan Bokool iyo Hiiraan.
Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka dowladda federaalka Itoobiya Janeraal Buhane Kabede ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Ciidamada Somaliland uu hoggaamniyay taliyaha guud ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani.sida ay u soo dhaweeyeen, isaga oo ballan qaaday inay xoojin doonaan wadashaqeynta Itoobiya iiyo Somaliland .




From the comments