Musharax madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah Waddani ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku baaqay in taageerayaasha xisbiga ay sameeyaan dibadbaxyo lagu diidan yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii xukuumadda iyo mucaaradka ay isku maandhaafeen qabsooomidda doorashada madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in dibadbaxyada looga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay ‘xil gudasho la’aanta ee madaxweynaha ku kacay’ iyo dhibaatooyinka haatan ka taagan Somaliland, isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id wuxuu sidoo kale sheegay inay dadaal ku bixinayaan sidii lagu sameyn lahaa isbaddallo dhanka dimuqraadiyadda ah oo ka dhaca dhulka Somaliland.
“Waxa aan ugu baaqeynaa taageerayaasha Xisbiyada mucaaradka ah in ay si ballaadhan oo qorsheysan ugu diyaar garoobaan in dib loo bilaabi doono bannaanbaxyadii nabadeed ama mudaharaadkii silmiga ahaa ee aynu hore u hakinay kuwaas oo ka qabsoomi doona dhammaan Gobolada & Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Cirro.




From the comments