Madaxweynihii dalka Sri Lank Gotabaya Rajapaksa, ayaa lagu soo waramaya in uu diyaarad militeri uu kaga baxsaday gudaha dalkaas, kadib markii ay shacab caraysan ay galeen hooyga madaxtooyada Sri Lank.
Rajapaksa ayaa la sheegay in uu u cararay magaalada Malé ee dalka maldives, xilli lagu waday in maanta oo Arbaca ah uu iska casilo xilka madaxweynanimo ee dalkaas.
Madaxweyne Gotabaya, ayaa lagu arkay gudaha magaalada Malé ee caasimadda u ah dalka maldives, halkaas uu ka dagay xilli habeennimo ah, sida ay xaqiijiyeen warbaahinada caalamka.




From the comments