Allah unaxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaanada caanka ah Khadra Daahir Cige, taas oo kamid aheyd fanaanitii barisamaadkii dalkeenna aadka looga jeclaa, marka lajoogo golaha murtida iyo madadaalada.
Marxuumadda ayaa tan iyo dabayaaqadii bishii June ku xanuunsaneyd isbitaan ku yaalla magaalada Hargeysa, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdeeda caafimaad, iyadoo ugu dambeyn caawa ku geeriyootay gudaha Isbitaalkii ay ku jirtay Khadra.
Khadra oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ayaa sanadkii 1957kii ku ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhameysatya waxbarashada, iyadoo ka mid ahayd dadka codadkooda aad loogu jecel yahay marka Iskuullaadka la xirayo.




From the comments