Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah guddoomiyayaasha golaha wakiilada maamulada dalka.
Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo uu wehlinayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal iyo guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed Cali Saciid Fiqi.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta baarlamaanka federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.




From the comments