Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka si nabad ah, kadib safar maalmo qaatay uu ku tagay dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana safarkaas uu ku saabsanaa xoojinta xiriirka labada dal oo heshiis la gaaray, kadib kulan uu la qaatay madaxweyne Maxamed Bin Zahid.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walalaha nahay ee Isku-tagga Imaaraadka Carabta, madaxweynaha ayaa intii dalkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay madaxweyne Maxamed Bin Zahid oo ay kawada hadleen kor u qaadidda xiriirka Diblomasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka iyo fudeynta badeecada” ayuu yiri Afhayeenkiisa.
Madaxtooyada Cabdikariim Cali Kaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu madaxweyne Xasan si nabad ah dalka dib ugu soo laabtay, safarkiisana uu ahaa mid ay kuwada kulmeen madaxweynaha Imaaraadka, waxaana uu intaas raaciyay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, kadib markii COVID- 19 astaamihiisa laga helay ayuu yiri afhayeen Cabdikariim.




From the comments