Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi ah ku ridday Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, oo loo haysto kamid ahaanshiyaha ururka al-shabaab.
Maxamed Cusmaan, ayaa lagu soo eedeyay in uu doonaye in magaalada Muqdisho uu soo geliyo Mota bajaj qarax sidday, taas oo ugu dambeyn qaraxday.
Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha horaantii bishaan June, waxaana muddo ay socotay dhageysiga galdacwadeedkiisa, maxkamadda ay xukun ku ridday maanta oo Axad ah.




From the comments