Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyay dagaal saakay xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ku dhexmaray magaalada Baxdo ee Bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaaalka ayaa waxaa uu yimmid kadib markii Shabaabku weerar kusoo qaadeen magalada, waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada iskaashanaya iyo Al-shabaab, waxaa jira khasaare soo kale gaaray dhinacyada.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii ka dhacay Baxdo lagu jabiyay Shabaabkii soo weeraray, waxaana uu sheegay in ay dileen 60 kamid ah sida uu hadalka u dhigay wasiir Falagle.




From the comments