Eraygayga arrimaha Gargaarka iyo Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wasiirrrada gargaar dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda federalka Soomaaliya.
Wasiirrada iyo Ergayga ayaa kawada hadlay sidii looga wadatashan lahaa xaaladda Abaaraha baahsan ee ka jira dalka intiisa badan, taas oo laga muujinaayo cabsi ah in ay isku bedeli karto macluul iyo sidii gargaar Banii’aadannimo loo gaarsiin dadka abaartu ay ku saamaysay gudaha dalka.
Ergayga ayaa wasiirradda siiyay warbixin ku aadan xaaladaha abaaraha ka jira dowlad goboleedyada dalka, waxaana siweyn looga dooday caqabadaha ku gudban in gargaarku gaaro dadka abaaraysan, maadaama dad badan ay u baahan yihiin in deg deg ay helaan gurmad Banii’aadannimo.




From the comments