Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa goordhow loo caleemo saaray madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kadib munaasabad maanta ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xafladda kasoo qeyb galay madax kale duwan, kuwaas oo lagu casuumay oo soo gaaray caasimadda.
Caleemasaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafuud heer caalami ah, kuwaas oo ka kale socday wadamada daneeyo arrimaha Soomalaiya, Ururka IGAD Jaamacadda Carabta, Turkiga iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa qeyb ka ahaa.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya laba jeer loo caleemo-saaro xilka ugu sareeyo dalka, madaxweynaha ayaa sanadkii 2012 markiisii ugu horeeray ku guulaystay xilka madaxweynahaisaga oo shan sano kadib markale 15-kii bishii May labada gole ee Baarlamaanku u doortay madaxweynaha.




From the comments