Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay madaxda ugu saraysa hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka hawl-gala oo ay ka mid yihiin; WFP, UNICEF, UNHCR, IOM, OCHA iyo kuwa kale.
Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii deg deg loogu gurman lahaa dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, isla-markaana loogu diyaar diyaar garoobi lahaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka ku soo wajahan, xilli laga dareemayo abaar baahsan taas oo dadka iyo duunyadaba saamaysay dad, badanna ay ku waayeen xoolahoodii, kuwaas oo soo gaaray magaalooyinka.
Ergaygu ayaa sidoo kulan la yeeshay Madaxa Bank Adduunka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii uu Bankiga u gacan sii lahaa xalka waara ee dadka abaaruhu waxyeelleeyeen, loona dardar gelin laahaa taageerada Bankiga ee mashruucyada degdega ah oo lagu tacaalo dadka kasoo hayaamay abaaraha baahsan ee dhaafisay xoolihii ay lahaayeen.




From the comments