Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u kuurgalayay xaaladda dadka baracayaasha ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta booqasho ugu tagay, xilli ay hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah oo soo food saartay caruurta iyo dadka da’da ah.
Xaaladda Nafaqo darrida ah oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa Carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan oo dadka iyo duunyada saameyeeyay, waxaana Bukaanada uu ku booqday Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrida ka dhalatay abaaraha , waxay ay sidoo kale Agaasimuhu intaas raaciisay in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.




From the comments