Madaxweynaha wadanka Maraykanka Joe Biden ayaa maanta Isniin ah gaaray dalka Japan, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha Japan Fumio Kishida, waa lmarkii labaad oo madaxweynaha Biden uu ku tagay Asia kadib markii madaxweynaha Maraykanka loo doortay 20-kii January 2021-kii.
Biden ayaa waxaa la sheegay inuu labo maalmood halkaas uu joogi doona, waxaa lagu wadaa inuu maanta oo Isniin ah la kulmo Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito, waxaana inta uu jooga madaxda dalkaas arrimo la xiriira dhaqaalaha, iyadoo Maraykanka dhaqaalihiisa uu saameeyay Karoona Virus.
Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan, waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad, kaas oo la aas aasay 2007, ka hor intaan la hormarin 2017-kii.




From the comments