Howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo qabtay mid ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 14-ka October ee ciidanka XDS Gaashaanle Sare C/raxmaan Maxamed Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu soo qabtay horjooge lagu magacaabo Aweys Mayow Eelaay , oo ahaa horjoogahii kooxda ee degmada Markaa, kaas oo ka dambeeyay qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Marka.
Aweys ayaa xilliga la qabanayay waxa uu ku howlanaa aasitaanka miinooyinka dhulka lagu aaso ee Magaalada Marka Cadeey oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah.





From the comments