Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay qorshaha lagu soo gabagabeynayo doorashooyinka dalka, kuwaas dhowrjeer diba ugu dhacay waqtiga loo qabtay.
war kasoo baxay saaxiibada caalamka ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayaan doorashada loo asteeyay 15-bishan May.
“Saaxiibada beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15ka bisha Maajo 2022. Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha caalamka .




From the comments