Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay maalinimadii shalay ku qaadeen saldhigga ciidamada nabad ilaalinta ee Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Midowga Afrika.
Guddoomiyaha Mousa ayaa sidoo kale waxaa uu tacsi leh u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, isaga kaga tacsiyeeyay askartii ku geeriyootay weerarkii dhacay, waxana uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay askartii ku dhaawacmay weerarka Ceel Baraf.
Al-Shabaab oo baraheeda bulshada ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay dhacay, waxaa ay sheegtay in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay xoogag ka tirsan iyo ciidanka Burundi ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga deegaan Ceel Baraf.




From the comments