Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuiyadda Federalka Soomaaliya ahna kusimaha maxweynaha dalka Shiikh Aadan Madoobe ayaa maanta isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, waxaana uu kula adlay arrimo dhowr ah oo quseeya amniga dalka iyo doorashooyinka.
Guddoomiyaha ayaa taliyeyaasha ciidamada ugu diray digniin ku aadan kumilanka siyaasadda xilligaan lagu jiro marxaladda kala guurka ah, waxaana uu ugu baaqay in amniga doorashada ay kaga amar qaataan guddoomiyaha golaha shacabka, maadaama xilligaan isagu dalka ugu sareeyo.
Baarlamaanka ayaa maalinta barri waxuu isugu yimaadaan kulan wadajir ah, kaas oo lagu wado in looga dhawaaqo guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda, maadama bishii April soo gabagabowday doorashada guddoonka labada aqal.




From the comments