Goobjoog

Guddoomiye Abshir oo Hambalyo u Diray Sheekh Aadan Madoobe

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa hambalyo waxaa uu u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo habeenkii xalay lagu doortay magaalada…

Guddoomiye Abshir oo Hambalyo u Diray Sheekh Aadan Madoobe

Guddoomiye kuxigeenkii hore  ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa hambalyo waxaa uu u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo habeenkii xalay lagu doortay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in Madoobe uu yahay  isbedel dalka u baahan yahay sida uu yiri.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa loo doortay (27-28 April, 2022) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Guddoomiye Aadan Maxamed Nur ‘Madoobe’ waxay hormuud u tahay isbeddelka dalkaan u baahan yahay. Waxaana guddoomiyaha ugu duceynayaa in uu Ilaahay u fududeeyo mas’uuliyadaan culus ee loo igmaday”
Tan iyo markii Sheekh Aadan Madoobe uu noqday guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad  ayaa waxaa  isoo tarayay madaxda kala duwan ee u diraysa hambalyada, Aadan  Madoobe ayaa cod aqlabiyad leh kaga soo baxay mushararaxii kula tartamay kursiga Xasan Cabdi Nuur, waxaana uu ku guulaystay Sheekh Aadan 163.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments