Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa goordhow Muqdisho ku dhaariyey xildhibannadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaanata tira xildhibaannadu ay gaaraysaa 16 mudane.
Madasha lagu dhaariyay xildhibaannada ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee Baarlamaanka Federalka Cabdikariim Cabdi Buux.
Xidhibaannadaan 16-ka ah ayaa waxaa lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo deegaan doorashada labaada ee Jubbaland, kadib markii qoraal kasoo baxay FEIT looga wareejiyay Garbahaareey.










From the comments