Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka BJFS Amb Cabdisalaam Axmed Dhabancad ayaa sheegay in ay soo weerareen ciidamo ka tirsan dowladda goobtii ay ka socotay dhaarinta xildhibaannada lagu soo doortay Ceelwaaq waxaana uu xusay in arrintaas looga horjeeday in aysan dhismin dowladnimada, waxaana uu yiri isaga oo hadlay.
“Intaas waxa samaynaya waa ciidamadii amniga, madaxdii oo arkaysa, annagu inaan gudano oo haddaan dhimanayno aan xaq ku dhimano ayaan u samaynay, waan ku faanaynaa, Barri iyo Saadambe waxaa dhici doona in ay yimaadaan guddoomiyaha aqalka sare, aqalka hoose iyo ku-xigeenadooda” ayuu yiri Amb Dhabancad.
Guddoomiye Dhabancad oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in goobta lasoo weeraray ay ka dhacday khasaare badan oo ay geysteen ciidamada rasaastii ay yirideen oo soo gaartay hotelka, waxaana hadalkiisa kamid ahaa.




From the comments