Ra’iisalwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta guddoomiyay shir u dhaxeeyay dowladda federalka iyo beesha caalamka, waxaana diiradda lagu saaray musiibadii ka dhacday suuqa Hargaysa.
Waxaana intii uu shirka socday aad loogu falanqeeyay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii ka kacay suuqa wayn ee magaalada Haygaysa, kaas oo ay ka dhalatay saamayn badan oo soogaaray suuqa.
Tan iyo markii suuqa uu dabka qabsaday waxaa socday gurmadka lagu samata bixinayo dadkii xoolahooda ku waayay suuqa, waxaana dowladda federalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ugu yabooheen lacag $3,000,000 ah.




From the comments