Waxaa aad u kacsan xaaladda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kadib markii ay xiisad ka dhalatay kursi kamid ah kuraasta golaha shacabka in loo xiray shaqsi gaar ah.
Ciidamo gadoodsan ayaa xalay illa saaka xiisad ka dhex taagay gudaha magaalada Baladweyne, kuwaas oo ka soo horjeeda in shaqsi gooni ah loo xiro kursiga HOP#030, kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Hirshabeelle.
Qaar kamid ah saraakiisha hogaaminaysay ciidamada gadoodka sameeyay ayaa madaxweynaha Hirshabeelle Cali guudlaawe, Ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ku eedeyay in aysan ka aqbali doonin in dadkooda isku diraan.




From the comments