Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta gaaray guddigii uu u magacaabay Ra’iisalwasaare Rooble soo qiimaynta deegaan doorashada labaad maamulka Jubbaland ee Garbahaarreey.
Guddiga gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa hoggaaminayey Guddoomiye Av. Cumar Maxamed Cabdulle Dhageey waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Guddiga hirgalinta doorashooyinka SEIT ee Jubbaland.
Guddigaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo sidoo kale guddiga doorashooyinka SEIT Jubbaland, kadib waxaa lagu wadaa iney maalmaha soo aaddan ay gaaraan Garbahaarreey.








From the comments