Magaalada Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi kamid ah golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Hiiraan.
Kursiga maanta lagu doortay Baladweyne ayaa waxaa uu tirsigiisu yahay HOP# 031,kaas oo Baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyey xildhibaan wasiirudowlaha wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid ayaa markale kusoo laabtay kursiga tirsigiisu yahay HOP#031, kadib markii uu tanaasulay musharrax musharax Aadan Cabdiraxmaan, waxaana loo qaaday codka gacantaag ah sida guddiga uu sheegay.




From the comments