Kulan dhanka fogaan aragga ah oo ay yeesheen madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka.
Shirka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayna goobjoog ahaayeen madaxweynayaasha shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa lagu go’aamiyay in waqti dheeri ah lagu daro mudada la soo gabagabeynayo doorashada golaha shacabka.
Kulanka ayaa la isku afgartay in muddo 18 malin ah lagu soo gabagabeyo doorashada taas oo ku eg 15 bisha march.




From the comments