Dowladda Imaaraad Carabta ayaa maanta waxaa ay garoonka Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kasoo dajisay garaaga Banii’aadamnimo, kaas oo loogu talogalay dadka ay abaartu ay ku saamaysay gudaha dalka.
Waxaana gargaarka ka guddoomay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Shukri Maxamuud Afrax oo ka wakiil aheyd dowladda Soomaaliya iyo guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha.
Safiirka dowladda Imraadka Carabta Danjire Maxamed Axmed Alcuthman ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay gurmadka dowladdiisa ay ugu talogashay dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ay saameysay sida uu xusay Danjire Alcuthman.




From the comments