Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa maanta war kasoo saaray doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya, taas oo maraysa maalmigii ugu damabeeyey xiligii loo asteeyey in lagu soo gabagabeeyo dhammaan doorashada golaha shacabka, waxaana qoaraal kasoo baxay lagu qeexay in baahi weyn loo qabo in la saxo habraacyada loo marayo doorashada.
“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada. Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xusay in baahi weyn loo qabo in doorashadu daahfurnaato si loo dhiso kalsoonida iyo geedi-socodka iyadoo aan cidna culeys la saareyn, waxaana dhinacyada Soomaalida ah loogu baaqay in ay ka fogaadaan wixii dhallin kara xasarad siyaasadeed iyo in ciidanka loo adeegsado sida qalabka oo kale, sida lagu cadeeyey qoraalka.




From the comments