Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa manata ka dhacday doorashada afar kursi oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ee Soomalaiya, oo heer gabagabo maraya.
1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#138 ayaa waxaa ku soo baxay musharrax xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib markii ay tartanka kursiga ay ka tanaasushay Nimco Xuseen Cali, waxaana gacantaag uu ku helay 86 cod Eradii ah.

2: Kursiga tirsigisu yahay HOP#007 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Faarax Cabdi Diini, kadib markii kursiga uu isaga taanasulay Maxamed Cabdi Cali, Farax ayaa gacantaag ugu kusoo baxay 76 cod oo ah guud ahaan codadkii Ergada.

3: Kursigatirsigiisu yahay HOP#040 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane, kaas oo 101 cod kusoo baxay codadkii Ergada, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Xasan Cabdi Jaamac oo ahaa tartamaha labaad.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#053 oo ah kursiga ugu dambeyay doorashada maanta ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah:-
1- Xaajiyo Axmed Gaas.
2- Ubax Cabdi Cali
3- Raysal Qorane Abshir.
4- Zamzam Xasan Diiriye
5- Faadumo Cabdullaahi Sheekhdoon
6- Hani Cabdi Gaas
7-Fahmo Caabi Guureeye
Musharixiintaan ayaa kala helay codad gaaraya :-
1- Raysal Qorane Abshir 83 Cod
2- Ubax Cabdi Cali 0 cod
3- Zamzam Xasan Diiriye 0 cod
4- Faadumo Cabdullaahi Sheekhdoon 0 cod
5- Hani Cabdi Gaas 0 cod
6-Fahmo Caabi Guureeye 1 cod
7 Xaajiyo Axmed Gaas. (Tanaasushay)
Waxaana sidaas kursiga tirsigiisu yahay HOP#053 ugu guuleeystay xildhibaanad Raysal Qorane Abshir oo heshay 83 Cod.
From the comments