Ra’iisul Wasaararaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu la kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre, waxaana ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
Safiirka iyo Rooble ayaa kawada hadlay dhammaystirka arrimaha doorashooyinka golaha shacbka, amniga dalka iyo xlda abaaraha ee ka jirta dalka iyo dowladda Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd gurmadka shacabka abaartu ay saamaysay.
Ra’iisalwasaare Rooble ayaa maalmihii dambe waxaa uu Muqdisho kawaday kulamo uu kala yeelanayo safiiradda ku sugan caasimadda, waxaana inta badan uu kala hadlaayey xaaladda abaaraha iyo sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu heshay.




From the comments