Waxaa saaka xirxiran caasimadda Hiiraan ee Baladweyn iyada oo ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda labada heer ay daadsan yihiin gudaha magaalada.
Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn ayaa sheegaya in xaaladda ay sidaasi aheyd ilaa xalay, kadib markii goob walba la dhigay ciidamo badan, oo taabacsan dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka.
Ciidamadan oo isugu jira militari rasmi iyo qaar aan rasmi aheyn, booliis iyo kooxo kale ayaa la wareegay magaalada iyaga oo abuuray xaalad cabsi.




From the comments