Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka UK u fadhisa Soomaaliya Kate Foster iyo Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabisan Soomaaliya hawaanayda lagu magacaabo Kiki Gbeho.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka dalka, kuwaas oo si dardar leh uga socda maamulada dalka .
Sidoo kale Laftagareen ayaa Ku-xigeenka Ergayga Qaraamada Midoobay si gaar kala hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban xaaladda Abaaaraha oo dadka iyo duunyada saamaysay.





From the comments