Goobjoog

Akhriso: Natiijada Doorashada 6 Kursi Oo Lagu Doortay Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa goordhow kusoo idlaatay doorashada lix kursi,kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya. 1Kursiga…

Akhriso: Natiijada Doorashada 6 Kursi Oo Lagu Doortay Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa goordhow kusoo idlaatay doorashada lix kursi,kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
1Kursiga tirsigiisu yahay Hop# 005 ayaa waxaa kusoo baxay musharx xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy, waxaana uu 73 cod kaga guulaystay Maxamed Cumar Ali oo la tartamay waxaana uu helay 13 cod, waxaana halaabay 7 cod.
2Kursiga tirsigiisu yahay Hop#052 ayaa waxaa kusoo baxday mushax xildhibaan Farxiya Maxamuud Dhaqane oo 93 cod ku guulaysatay, kadib markii Faaduma Yuusuf Cumar ay ka tanaasushay tartanka kursiga.
3 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#088 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xilfdhibaan Dahabo Suusow Maxamuud kadib markii ay ay tartanka ka tanaasushay Dahabo Maslax Buubow, waxaana ogolaaday 81 qof halka 4 ruux ay ka aamustay.
4 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#97 ayaa waxaa kusoo baxday wasiirkii garkaar Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana dhacday kursiga ay ka tanaasushay tartankiisa Hodan Maxamed Xirsi oo aheyd musharrax, waxaana ogolaaday 99 ruux.
5Kursiga tirsigiisu yahay Hop#98 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Maxamed Maxmuud jimcaale, cod gacan tag ah, kadib markii ay tartanka ay ka tanaasushay Uabax Haashim oo kursiga ku tartamaysay.
6 Kursiga tirsigiisu yahay Hop#33 ayaa waxaa kusoo baxay Yuusuf Ibraahim Afrax, kaas oo 65 cod kaga guuleystay musharrax Maxamed Xuseen oo helay 22 wadarta guud codadkii la dhiibtay oo ahaa 97 cod.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments