Goobjoog

Colombia: Boqorkii Labaad Ee Daroogada Aaduunka Oo Gacanta Lagu Dhigay

Dowladda colombia ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay burcadkii ugu weyna ee daroogada Dairo Antonio, kaas oo mudda dheer dowladdu ay baadi goobeysay. Otoniel, oo 50 jir ah, ayaa…

Colombia: Boqorkii Labaad Ee Daroogada Aaduunka Oo Gacanta Lagu Dhigay
In this photo released by the Colombian presidential press office, one of the country’s most wanted drug traffickers, Dairo Antonio Usuga, alias “Otoniel,” leader of the violent Clan del Golfo cartel, is presented to the media at a military base in Necocli, Colombia, Saturday, Oct. 23, 2021. (Colombian presidential press office via AP)

Dowladda colombia ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay burcadkii ugu weyna ee daroogada Dairo Antonio, kaas oo mudda dheer dowladdu ay baadi goobeysay.

Otoniel, oo 50 jir ah, ayaa lagu qabtay hawlgal loogu magac daray Osiris oo ka socday miyiga gobolka Uraba ee Kolombiya.

Colombia ayaa horay ninkaan madaxiisa u dul dhigtay adduun lacageed gaaraya seddax milyan oo abaal marin ah ciddii soo sheegta xogtiisa halka mareykanka uu horay ninka u duldhigay madaxiisa 5 milyan.

Dairo Antonio, ayaa loogu yeera in uu yahay boqorkii labaad ee darooga kadib Pablo Escobar oo ahaa aabihii ka ganacsiga maandooriyaha.

Madaxweynaha colombia Ivan Duque ayaa sheegey in tan eey tahay “guulweyn oo laga gaarey la dagaalanka Burcadka”.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments