Goobjoog

Bashiir Goobe Oo sarkaal Cusub Usoo Magacaabay Agaasimaha NISA Ee Caasimadda.

Agaasimaha KMG ee Hayadda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} ayaa umagacaabay Gashaanle Muxidiin Maxamed Jimcaale Agaasimaha NISA ee Gobolka Banaadir. Sida muuqata waxa xilkiisii…

Agaasimaha KMG ee Hayadda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} ayaa umagacaabay Gashaanle Muxidiin Maxamed Jimcaale Agaasimaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Sida muuqata waxa xilkiisii halkaa kuwaayay agaasimahii hore ee NISA uqaabilsana Gobolka Banaadir, Gashaanle Yaasiin Fareey kaas oo Gal-dacwadeedkan ka dhan ah uu ka furanyahay Maxkamadda CQS kadib lagu eedeeyay inuu lug kulahaa Afduubka Sarkaalad Ikraan Tahliil.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments