Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Eritrea, kaas oo ay ku eedeysay in uu qeyb ka ahaa gabood faladii ka dhacay Gobalka Tigrayga intii lagu guda jiray dagaaladii qaraara ee ciidamada Dowladda iyo Xisbiga TPLF u dhaxeeyay.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Jeneral Filipos Woldeyohannes, oo ah madaxa shaqaalaha ciidamada Eritrea, ayaa la sheegay in uu mas’uul ka ahaa kufsi, dhac iyo dilal ka dhacay gobalka.
Generalka ayaa sidoo kale lagu eedeyay in uu amray dad dilka dad shacab ah oo lagu dilay Tigrayga ee dalka Itoobiya.




From the comments