Goobjoog

Askar Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Jubba, Muqdisho

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Maqaahi ku taalay Hotel Jubba ee Muqdisho. Ilo xog-ogaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa Goobjoog…

Askar Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Jubba, Muqdisho

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Maqaahi ku taalay Hotel Jubba ee Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ah oo ciidanka ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in qaraxa uu ka dhacay maqaaxi ay ku qaxweeyaan ciidanka, tiiyo keentay dhimashada ugu yaraan 5 qof, oo ciidan ku jiraan iyo dhaawac tiro badan.

Qofka oo magaciisa qariyey sababo amni ayaa intaas ku daray in uu arkay meydka 3 askari, waxaa kale uu xaqiijyey in ay qaraxa ku dhaawacantay haweeneyda maqaaxida laheyd.

Ilaa hadda kama hadlin hey’adaha amniga, ma jirto cid sheegatay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments