Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socde ee saaka uu safar ugu amba baxo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kadib casuumaad uu ka helaya madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyata.
Rooble ayaa kulan la qaadan doona Uhuru, xilli la filayo in si rasmi ah losoo celiyo xiriirka Xukuumadda Nairobi ay la leedahay dalkeenna.
Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in ajendeyaasha kale ee safarka Rooble ee Nairobi ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha Socdaalka dhulka iyo cirka, amniga, ganacsiga, Fiisaha iyo arrimaha kale.




From the comments