Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw xilka ka qaaday xubna sar sare oo ka tirsan taliska Nabad sugidda ee NISA.
Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaas oo lagu eedeyay in ay muwaadiniin soomaaliyeed oo ka safrayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho in ay ka joojiyeen socdaalkoodi.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Rooble ayaana labada mas’uul xilka looga qaaday.




From the comments