Wararka ka imaanaya magaalada Nasiriya ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ugu yaraan 52 qof ay dhinteen kadib markii dab uu ka kacay Isbitaal ku yaallo martamaha magaalada Nasiriya.
Dabka ayaa dhashay kadib markii uu qarxay keydka Oksajiinta ee isbitaalka, waxaana isbitaalka uu ahaa mid lagula tacaallo dadka uu soo rito xanuunka Corona Virus.
Isbitaalka dabka uu ka kacay ayaa lagu magacaaba Al-Hussein waxa uuna ku yaalla koonfurta magaalada Naasiriya ee dalka Ciraaq.




From the comments