Ra’iisul wasaaraaha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo xisbigiisa ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka doorashadii Itoobiya ka dhacday sanadkaan.
Abiy, oo ka hadlay guusha xisbigiisa uu ka soo hoyay doorashooyinka baarlamaanka Itoobiya ayaa waxa uu ku yiri “Xisbigeenu wuu ku faraxsan yahay in lagu doortay rabitaanka shacabka si loo maamulo dalka,” .
Natiijaa doorashada ayaa durba waxaa hareyay qeyla dhaanta mucaaradka xilli doorashadaan ay la daala dhaceysay caqabado ay ka mid yihiin Banaanbaxyo, Isku dhacyo isirka ku saleysan, Musuq maasur iyo dagaalka Tigrayga.




From the comments