Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay isu soo dhowaanshiyo aad u weyn oo ah labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Muqdisho ay xiriirka jartay 7 bil kahor.
Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sabtidii dib ugu soo laabtay Muqdisho, tallaabadan oo loo arkay inuu si caadi ah kusoo noqday xiriirkii labada dhinac.
Arrintan ayaa imaaneysa heshiis dhacay June 16, oo la isku afgartay in lasoo celiyo xiriirka diblomaasi isla markaana laga shaqeeyo hawlaha dhimman.




From the comments