Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo aan heyd tooda la aqoon ay weerar ku qaadeen xarumaha magaaladaasi ay ku leeyihiin seddaxda xisbi ee ka jirta Somaliland .
Xoga ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay bar tilmaameedsadeen xafiisyada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo xisbiga WADANI.
Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ragga weerarka ku qaaday xarumaha xisbiyada .




From the comments