Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhex maray ciidama ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo ciidamada macwisleyda .
Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii ciidamada macwisleyda ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada .
Illaa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , balse warar ay GoobJoog News ka heleyso deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan madaxtooyada dowlad gobaleedka Hirshabeelle .




From the comments